Maamulki Ka arriminayay
Kismaayo oo ku biiray Al-shabaab.
(Kismaayo,
September 23, 2009 Ceegaag Online)
Magaaladda Kismaayo ee Xarunta
Gobolka J/Hoose Koonfurta Fog ee Somalia ayaa Muddo ka badan
9 bilood waxaa ka arriminayay Maamul Islaami ah oo u kala
Qeybsan Ururada Dagaalka ka wada Somalia ee Alshabaab iyo
Xisbul Islaam ,Maamulkaasi ayaa intii uu hayay Taladda
Magaaladda Kismaayo wuxuu wax badan ka qabtay Xaaladihi
Amaan darro ee ka jiray Magaaladda iyadoo Magaaladda uu
horay uga Talin jiray Maamul Qabaa'il ka koobnaa uu hogaamin
jiray Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) .
Hadaba waxaa Maanta si rasmi ah u
shaaciyay in Maamulkaasi oo ka tirsan yahay ururka Al-shabaab
Afhayeenka Maamulkii Islaamiga ahaa ee Kismaayo Shiikh Xasan
Yacquub cali wuxuuna isagoo u waramay Shabakadda Aljazeera
Sheegay in Go’aanka ku biiritaanka uu yahay mid dhaqan galay
Galabnimadii Talaadada 03 Shawal 1430H oo ku beegnayd 22
September 2009, wuxuuna tilmaamay in Maamulka Kismaayo uu
yahay wixii hadda ka danbeeya mid ka mid ah Wilaayadaha
Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin waxayna ku Shaqeynaysaa buu
yiri Talooyinka Xarakadda.
Sheekh Xassan Yacquub wuxuu ku
sheegay Sababta ay ugu Biireen Xarakadda Shabaabul
Mujaahidiin "si loo yareeyo Khilaafka ka dhaxeeya
Mujaahidiinta Cududoodana loo xoojiyo" wuxuuna ugu Baaqey
Mujaahidiinta kale ee Gobolka Jubadda Hoose inay ku soo
biiraan Wilaayada Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata
ayaa sheegay sidoo kale inay soo dhawaynayaan in Xoogaga
kale ee Islaamiga ah ku soo biiraan Ururka Alshabaab oo
haatan haysta Awooda ugu Badan ee ka jirta Koonfurta iyo
Bartamaha Somalia.
Isku soo wadda Duubo Maamulka
Kismaayo hore waxaa u wada dhistay Xoogaga Xarakadda
Shabaabul Mujaahidiin, Mucaskarka Raaskaanbooni, iyo
Mucaskarka Caanoole waxaana hadda Cidla taagan Caanoole iyo
Raaskaanbooni,Marka la eego waxaa Muuqda Ismaandhaaf
siyaasadeed oo u dhexeeya Xoogaga Islaamiga ah(Al-shabaab
iyo Hizbul Islaam) oo iyagu ku midaysan Dagaalka looga soo
horjeedo Dawladda KMG ah iyo Ciidamadda AMISOM.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |