Ra'iisulwasaare
Sharmaarke"Wadahadalo toos ah iyo kuwo aan toos ahayn ayaa
socda oo ay dowladdu la leedahay shaqsiyaad sarsare oo ka
tirsan kooxaha mucaaradka".
(Muqdisho,
September 27, 2009 Ceegaag Online)
Ra'iisulwasaaraha DKMG ah ee Somalia
Mudane:Cumar C/rashiid cali sharmaarke ayaa shaaca ka qaaday
in Xukuumadiisu ay wadahadalo kula jirto Masuuliyiin sarsare
oo ka tirsan Kooxah Mucaaradka ah ee Dagaalka kala soo
horjeeda DKMG ah ee somalia,Mr.Sharmaarke ayaa sheegay in
Dowladu tahay mid Dib u heshiisiineed isla markaasna
wakhtigan ay tahay lagama maarmaan in la abaaro Xaalad Dib u
heshiisined oo loo dhanyahay.
Ra'iisulwasaare
Cumar C/rashiid ayaa yiri markale isagoo sii wata
Hadalkiisa " Hadii aan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda la
hadalno, waxay nagu xiraan shuruudo ay ka mid yihiin inaan
Dowladda ka siino jagooyin sar sare, Booska madaxweynaha ama
Keyga..." wuxuuna sidoo kale sheegay Ra'iisulwasaare
Sharmaarke in Xukuumadiisu raji ka qabto Hawlaha Nabadeed ee
ay iminka ku jirto "Waan sii wadaynaa wadahadallada aan kula
jirno kooxaha Islaamiyiinta ah, kuwo toos ha iyo kuwo aan
toos ahayn, waxaan u qorsheynay saraakiisha sarsare inaan
siino jagooyin waaweyn, waana mid aan ku kalsoonahay in
wadahadaladu guulaysan karaan" ayaa uu yiri Mr:Sharmarke oo
ka hadlayay Dib u heshiisiinta.
Si kastaba ha haate Ra'iisulwasaaraha Somalia
Cumar C.rashiid ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadahadalo
toos ah iyo kuwo aan toos ahayn la leeyihiin kooxaha
Mucaaradka ee ka soo horjeeda Xukuumadiisa Isla markaasna
wuxuu qiray Ra'isulwasaaruhu in Xukuumadiisu markasta Diyaar
tahay.
Ceegaag Online
webmaster@ceegaag.com |