Iran oo Dhoolatus Military u
Muujisay Yuhuuda iyo Maraykanka.
(Tehraan,
September 28, 2009 Ceegaag Online)
Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa
Maalintii Labaad tijaabinaysa Hubkeeda Ridada Dheer gaar
ahaan Gantaaladda noocyadda kala duwan u dhaca sida,Nooca
ridada dhexe,nooca riddada gaaban iyo Nooca Ridada dheer ee
Shabab-3 oo gaari kara Magaalooyinka Talaabiib iyo Gacanka
Khaliijka oo Maraykan ku leeyahay Saldhigyo Military ,Gantaalka
Ridada dheer ee Shahab-3 iyo Gantaalka kale ee Sejil ayaa
Maanta Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ku guuleystay inuu
Hawadda u diro sida uu sheegay Taliyaha Ciidamadda Cirka ee
Iran Gen.
Hossein Salami
Gantaaladda Ridada dhaadheer ee Iran
Maanta tijaabisay ayay Guul ka gaartay markii iyana ay
shalay Tijaabisay Labbo gantaal oo kale,Iran ayaa dhoolo
tuskeeda military muujisay ka dib markii madaxweyne Axmed
najad ka hor sheegay golaha loo dhanyahay ee Qaramadda
midoobay In Iran ay leedahay warshad kale oo lagu sameeyo
Macdanta Uraniumka oo ku taala Magaaladda Barakaysan ee
Qam-Koonfurta Magaaladda Caasimadda ah ee Tahran.
America,Britain
iyo France ayaa durbaba shaaca ka qaaday in Iran la saaro
cunaqabatayn caalami ah markii arrintaasi soo baxday
inkastoo hay'adda Atoomikadda Caalamiga ah sheegaytay in
aanay Iran horay ula soo socodsiin warshada kale ee lagu
sifeeeyo Macdanta Uraniumka ,Sida aanu ka soo xiganayno Tvga
Qaranka Iran "Press tv" waxaa Gantaalkan la tijaabiyay
Maanta oo Isniin ah Ridadiisu gaaraysaa in ka badan 1,300 to
2,000 kilometers (807 to 1,242 miles) wuxuuna Gaari karaa
Israel
iyo Gacanka Khaliijka.
Ceegaag Online
webmaster@ceegaag.com |