Fadlan Ka Qeyb Qaado Dhismaha
Masaajidka Degmada Ceegaag
(Ceegaag,
February 14, 2010 Ceegaag Online)
Ma Jeclaan lahayd inaad wax tarto Waalidkaa ama waalidkiis,
mase og- tahay inaad u samayn karto camal u socda iyaga oo
dhintay, Masjid dhiskuna uu ka mid yahay camaladaas? Fadlan
fursadaanu yey ku dhaafin Ka Qeyb Qado Dhismaha Masaajidka
Degmada Ceegaag laga dhisayo.
Culimada Iyo
Dadweynaha deegaanka ayaa ka codsaday Dadka Khayrka Jecel
inay ka qeyb qatan Dhismaha Masaajidka, Haddaba Ummada
Somaliyeed ee Muslimiinta ah ee dooneysa inay ka qeyb
qaadato Dhismaha Masaajidka Fadlan Ha La Xiriiraan Labada
Masuul oo u Qaabilsan Ururinta Kharashka lagu dhisayo
Masaajidkaasi.
Xuseen Fiin + 1- 617 921 3989 – Boston, USA
ama
Cabdi Xaaji Cali Cilmi +252 - 2449 – 2691 Ceegaag, Somalia
Xagee marayaa Dhismaha Masaajidka
Magaalada Ceegaag (Daawo).
(Ceegaag,
Feb 22, 2010 Ceegaag Online)
Gudoomiyaha Degmada Ceegaag Cabdi
Xaaji Cali (C.riigle)
Dhageyso
Culumaa'udiinka Degmada
Ceegaag
Dhageyso
Magaalada
Ceegaag Waxaa laga Bilaamay dhismaha Masjid Jaamacii labaad
ee ay yeelato Degmada Ceegaag, Masjidkan oo ah ka ugu weyn
Guud ahaanba dhulka Gamaha ah ee buuhoodle ka xiga dhinaca
Waqooyi misaajidkan ayaa laga bilaamay xaafada Ceegaagta
Bari.
Shabakada
Wararka Ceegaag Online ayaa u suurto gashay in ay Booqasho
ku tagto magaalada Ceegaag oo laga bilaabay misaajidkani aad
sawirkiisa aragtaan oo ah kii ugu waynaa ee laga hir galiyo
mandaqadaasi waxana ceegaag online dhismaha misaajidka inta
uu le'eg yahay ka waraysatay Gudoomiyaha degmada Ceegaag
Cabdi Xaaji cali Cilmi (C/riigle) oo Ceegaag online sharaad
dheer kasiiyey halka uu misaajidku marayo isagoo ugu baaqay
gudoomiyuhu dhamaan umada Islamka ah inay gacan ka gaystaan
dhismaha misaajidkan oo hada aad bilowgiisa aragtaan iyo
halka uu marayo.
Dhinaca kale
Culumada Diinta ayaa ugu baaqay dhamaan umuda Islaamka ah
iyo jaaliyada dibada iyo kuwa u dhashay Ceegaagba inay gacan
ka gaystaan si ay uga qaybqaataan dhismaha misaajidkan
waxaana culumada ka hadleen khayrka iyo ajarka uu leeyahay
misaajid aad ilaahay hortiis uga Qayb Qaadato oo aad gacan
ka gaysato.
Sidoo kale
waxaa dhismaha misaajidkani soo dhaweeyey shacabka ku dhaqan
Guud ahaanba Degmada Ceegaag oo sheegay inay baahi wayn u
Qabaan dhismaha misaajidkani oo ay sheegeen inay aad ugu
farxasan yihiin waxayna ugu baaqeen umuda islamka ah inay
gacan dhaqaale ka gaystaan misaajidkani oo ah kii ugu waynaa
ee Degmada Ceegaag laga hirgaliyo.
Daawo Sawiradda
Xagee Marayaa Dhismihii
Masjid Jaamaca Degmada Ceegaag.
(Ceegaag,
March
13, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa
wali si habsami leh u socda dhismaha Masjid Jaamaca Degmada
Ceegaag, sida Howl-wadeenada gacanta ku haya dhismaha
Masaajidka ay u sheegeen Wariyaha Ceegaag Online Cali
Cismaan Yuusuf (Cali Dhagjar) oo socdaal gaaban ku tagay
Degmada Ceegaag.
Howlwadeenada Masjidka
ayaa ka codsaday dhamaan walaalaha khayrka jecel iney ugu
baaqayaan dal iyo dibadba inay ka qayb qaataan dhameystirka
dhismaha Masjid Jaamaca Ceegaag.
Daawo Sawiradda
Xagee marayaa dhismaha
Misaajida Ceegaag bari iyo Pro. Lafoole oo ugu baaqay dadka
Islaamka ah inay gacan ka gaystaan dhamaytirka Masaajidka
(Ceegaag,
March
27, 2010 Ceegaag Online)
Lafoole oo ugu baaqay dadka
Islaamka ah inay gacan ka gaystaan dhamaytirka Masaajidka
Dhagayso
webmaster@ceegaag.com |