Madaxwayne kuxigeenka
Puntland oo Ceegaag Online uga Waramay heshiiskii ay
gaadhaan Isimada SSC iyo Dowladda Puntland oo maanta garoowe
lagu kala saxeexday.
(Garoowe,
March
16, 2009 Ceegaag Online)
Madaxweyne Kuxigeenka
Puntland C/samad Cali Shire
Dhageyso
Madaxtooyada Magaalada garoowe Waxa galabta heshiis
balaadhan ku kala saxeexday Isimada gobolada sool sanaag iyo
Cayn Iyo Madaxda dawlada puntland oo ugu horeeyo
Madaxwaynaha dawlada puntland C/raxmaan Sh Maxamed faroole,
Madaxweyne K/xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire
waxna kaloo kulankaasi maanta goob joog ahaa Xidhibaano ka
socda dawlada KMG ah ee somalia oo iyagu kulankaasi soo
Qaban Qaabiyey Wadayna mudo dheer Heshiisna dhex dhigay
isimada iyo dhinaca Puntland.
Heshiiskaasi kadib ayaa Ceegaag online taleefoonka magaalada
garoowe kula Xidhiidhay
Madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen. C/Samad Cali Shire
Ceegaag online ayaana Madaxwayne kuxigeenka Waydiisay inuu
faah faahin naga siiyo Waxyaabaha ay ku Heshiiyeen Isimada
sool sanaag iyo cayn iyo Madaxda puntland.
Madaxwayne kuxigeenka ayaa Waraysigiisa uu Ceegaag online
siiyey Waxaa uu fariin ugu diray dhamaan Jaaliyada SSC
Isagoo sheegay in Puntland Diyaar u tahay soo Celinta
deegaanada lahaysto wuxuuna madaxwayne kuxigeenku ka
Codsaday jaaliyada dibada inay ka Qayb Qaadaan soo celinta
deegaanada maqan gacana siiyaan Dawlada Puntland.
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |