Xafladii furitaanka Shirkada
isgaadhsiinta cusub ee Somtel International LTD oo maanta
laga furay magaalada laascaanood + Daawo Sawiro
(Laascaanood
March
06, 2009 Ceegaag Online)
Xaflad
balaadhan oo saaka ka dhacday Hoolka shirarka ee Hotel xamdi
ayaa xadhiga looga jaray xarun cusub oo ay yeelanayso
shirkadda Isgaadhsiinta ee Somtel International LTD.
Xafladan oo ahayd mid si aad ah loo soo agaasimey ayaa
waxa lagu soo bandhigay adeegyo badan oo ay shirkadani soo
bandhigtay sida uu soo gudbiyey madaxa xidhiidhka gobolada
iyo suuq geeynta.
Munaasabadan lagu daahfurayey shirkada cusub ee somtel
International LTD, ayaa waxaa Goob joog ka ahaa furitaanka
Xafladan wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland,
wasiirka gaashaandhiga Somaliland, gudomiye ku xigeenka
gobolka sool ahna sii haya gudoomiyaha gobolka, taliyaha
qaybta Policeka, dhamaan taliyayaasha qaybaha kala duwan ee
gobolka sool, Dhamaan ganacsatada, shirkadaha, isgaadhsiinta
iyo xawaaladaha.
Waxaa ugu horeyn xaflada lagu furay aayadaha quraanka
kariimka iyo wacdi oo aad uu ugu nuux nuuxsaday sheikh axmed
maxamed sulaymaan isagoo ka soo jeediyay talooyin iyo
wanooyin badan masuuliyiinta shirkadana ku booriyay in
isgaadhsiinta looga faa' idaysto dhinaca wanaagga.
Madaxa shirkadda Somtel ee gobolka Sool Faarax Cali
Maxamed ayaa waxa uu isagu balan qaad dheeraad ah ku bixiyey
inay wax weyn ka qaban doonaan adeega bulshada sida
Caafimaadka, waxbarashada iyo wixii la mid ah.
Madaxa Suuq gaynta iyo isku xidhka gobolada shirkada
Somtel Mr Aadan Cabdi waxa uu sheegay in ay soo kordhisay
qodobadan, Mobile Banking, VoiP, Mobile internet, multi
media, adeegan oo 200 wadan kuugu shaqaynaya, 99 waxa loogu
yeedhay oo uu ku macneeyey in meelaha amniga ka shaqeeya uu
nambaradooda.
Waxa uu aadan intaas ku daray inay dadka reer Laascaanood
u banaan tahay fursadda sheerka shirkadan Somtel oo dhowaan
la furi doono taasina ay tahay mid ay markaa dad badani u
guuxeen.
Amiir jaamac maxamed (Digaale) oo ku hadlayay codka madax
dhaqameedka gobolka Sool ayaa sheegay in ay adeegyada
shirkadani keentay ay yihiin kuwo mudan inay ku daydaan
shirkadaha kale ee ka hawl gala Magaalada Laascaanood.
Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka G. Sool Maxamed Cabdi
Dhinbil daad ayaa isna ku dheeraday waxtarka ay leeyihin
aaladaha isgaadhsiinta isagoo ku booriyey shirkadaha
isgaarsiineed ee ka jira magaalada inay sameeyaan isku xidh
u dhexeeya shirkadohooda balse aanay ku ekaan tartanka ay
yagu dhexdooda ka tartaam. Sidoo kale daad wuxuu sheegay in
uu aad ugu faraxsanyahay qaar kamid ah adeegyada shirkaddu
keentay adeegaas oo ah Number ay shirkadu u samaysey
Booliska magaalada laascaanood kaas oo si degdeg ah loola
soo xidhiidhayo.
Waxaa isna xafladda qudbad gaaban ka soo jeediyey
wasiirka gaashaandhiga S/land Saleebaan Warsame Guuleed ugu
horayna aad ugu mahadceliyey Madaxda iyo maamulka shirkada
Somtel.
Isagoo sheegay in dhawaan qaraxyo ka dhacay magalada
badankooda loo isticmaalayey Mobileda wuxuu wasiirku
shirkadan cusub ku booryey inay feejignaan iyo taxadar
dheeri ah ka sameeyaan in falal amni xumo lagu sameeyo
Mobilada shirkadu bixisay wuxuu kaloo wasiirku sheegay in
Maamulka shirkaddu dib ugu noqdaan Satellite’ka lana sugayo.
Munaasabadan ayaa waxaa si aad ah loogu hadal hayey
adeegyadii kala duwanaa iyo aasaaskii shirkadda Somtel ay
ahayd bilawgii ama hooyadii isgaadhsiinta gobolka sool.
Masuuliyiin badan oo ka mid ah maamulka haatan ka taliya
magaaladda Laascaanood ayaa halkaasi ka hadlay oo ay ka mid
ahaayeen Wasiirka Boosta iyo Iskaadhsiinta iyo Wasiirka
Gaashaandhiga oo dhamaantood soo dhoweeyey adeegan.
Guntii iiyo gunaanadkii waxaa xaflada soo xidhay wasiirka
boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali
Sandule).
Wasiirka ayaa isago sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay
Furitaanka shirkadan cusub,isagoo halkaasi kaga dhawaaqay in
shirkada Somtel ay wasaaradiisu aqoonsatay hadda wixii ka
danbeeyana ay tahay shirkad ay aqoonsantahay wasaarada
boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland, shi sharci ahna uga
shaqayn doonto gobolada Somaliland oo dhan .
Dhanka kale wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta cali
sandule wuxuu sheegay in shirkada somtel ay tahay Hooyadii
isgaadhsiinta Sool,ayna tahay shirkadii ugu horeysey ee
Laascaanood ka hawl gasha mudana ay hawada ka maqnayd hadana
ay dib u soo laabatay yadoo adeegyo casri ah wadata.
Ugu danbayntii maamulka shiirkda Somtel international
Limited waxay martidii ka soo qayb gashay xaflada usoo
bandhigeen Bakhtiyaa’nasiib lagu bixinayey 40.mobile oo 20
kamid ahi yihiin 2Simd card layaal halka 20 kalena yihiin
Nooca halkaadhle ah kuna shaqaynaya Cadceeda (qoraxda).
Daawo
Sawiradii Xaflada
Xigasho: HolHol
webmaster@ceegaag.com |