Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen
(Axmed saakin) oo Ceegaag Online uga Waramay kulankii
dhexmaray Isimada SSC
(Garoowe,
March
13, 2009 Ceegaag Online)
Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen (Axmed saakin)
Dhagayso
Iyadoo Maanta magaalada Garoowe kulan balaadhan ku yeesheen
Xildhibaano katirasan Baarlamaanka Dawlada Soomaaliya oo ka
soo Jeeda gobolada Puntland iyo Isimada SSC, ayaa
Ceegaag Online si kulankaasi Warar dheeraad ah uga ogaato
waxa taleefoonka magaalada Garoowe kula xidhiidhnay Mudane
katirsan Baarlaamka dawlada Soomaaliya kana soo Jeeda
gobolada SSC.
Xidhibaan Axmed saakin ayaa Ceegaag Online u sheegay in
kulankaasi looga hadlayey mad madow soo kala dhex galay
isimada SSC iyo Madaxda Puntland, mad-madowgaasi oo ku aadan
qaabka loo la soo wareegayo gobolada SSC ee maamulka
Somaliland haatan gacanta kuhayo, waxaana uuna
xildhibaanku Ceegaag Online u sheegay inay arintaasi ku
guulaysteen isimaduna dhinacooda ka aqbaleen arintaasina
Guul ka gaadheen.
Xildhibaan Axmed saakin ayaa sidoo kale Ceegaag Online u
sheegay inay Madaxda puntland is arkeen Qaabka magaalada
laascaanood loo xorayn lahaa wax uuna xildhibaanku sheegay
inay dawlada puntland dhinaceeda Diyaar u tahay inay dib
gacanteeda laascaanood ugu soo Celiso haatana diyaar loo
yahay, Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka
somaliland inay Ciidamadooda kala baxaan magaalada
laascaanood isagoo sheegay inaan la haysan karin dad ka soo
jeeda gobolada puntland
Ceegaag online
ALi dhagjar
webmaster@ceegaag.com |