Booqashada Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya ee Turkiga + Sawiro.
(Ankara,
March
19, 2009 Ceegaag Online)
Arar ahaan
Dowlada KMG ah ee Soomaaliya hada waa ay labo sano
jirsatay,waxayna gacanta ku haysaa in yar oo kooban,waxaa
muuqata in shacabka Soomaaliyeed iftiinsheen in dowlada
Somalia masuuliyiinteedu ay dalxiis u tagaan dalalka dibada.
Safarka
Aadan Madoobe
Waxa
Taariikhdu markay ahayd 16-march-2010 kasoo dagay garoonka
diyaaradaha Esenboga Magaalada Madaxda Turkiga ee Ankara
Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya
Md.Sheikh Adam Maxamed Nuur madoobe iyo xildhibaano kale oo
oo safar kiisa ku weheliyay, waxa maalintii 17 bisha march
uu lakulmay Guddoomiyaha baarlamaanka Turkiga Mudane Mohmet
Ali SHahin waxa kale uu lakulmay Guddoomiyaha Guddiga
Difaaca Qaranka Mundane Hasan Kemal Yardimci, Waxa kale uu
isla 17 lakulmay Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa Mudane Veysel
Eroglu.
Aadan Madoobe
ayaa booqday 17 bishan Madxafka Taariikhiga ah ee Mustafe
Kamal Ataturk.
Maalin ka dib
18-Bishan ayaa uu booqday Aadan Madoobe Safaaradda
Soomaaliya ee Magaalada
Ankara,waxaana
la socday xildhibaano iyo wasiiro xukuumadiisa ka tirsan.
Waxaa
Safaaradda Ku soo dhaweeyey Danjire Hilal Mohamed Adem iyo
Xogahye 1 aad Xasan Maxamed Cisman (Xasan-beat) iyo u
qeybsanha Arrimaha Ganacsiga Cabdifataax Warsame rooti.
Intii ay booqashada ku joogeen Safaaradda wuxuu Danjiraha
iyo Diblomaasiyiintaba ay uga waribixiyeen xaaladihii kala
duwanaa ay soo martay Safaaradda iyo xiriiradda kala dhaxeya
Dowladda turkiga oo aan Walaalaha nahay kaasoo ah mid aad u
wanaagsan.
Xoghayaha
koowaad Mudane Xassan beat aya uga waramay gudoomiyaha
xaalada adag ee ay la kulmaan dadka Soomaaliyeed ee u soo
haajiray qurbaha iyo markay dhibaatooyinka la kulmaan sida
ay Safaaradda iyo Dibmlomasiyiintaba ay uga saacidaan ama ay
uga haqab tiraan baahida Shacabka.
Uqeybsanaha
arrimaha ganacsiga mudane:cabdifatax warsame rooti ayaa
asaga uga waramay guddoomiyaha Xaaladaha ganacsi ee ka jira
Turkiga isagoo oo sheegay in xafiiska Ganacsiga intii la
furay uu isbedel ku yimid ganacsiga Soomaaliya iyo
kan Turkiga
isagoo tibaaxay inuu sameeyey ganacsigii transitka ku ahaa
Dubai, in hadda Soomaaliya Toos ay loo geeyo Dekedaha
Bosaso,Berbera,Muqdisho iyo Kismaayo
Gaba-gabadii
waxa uu Guddoomiyuhu amaanay wax qabadka Safaaradda isagoo
ku nuuxnuuxsday in Safaaradda oo muddo 2 sano ka yar furan
ay dadaaal dheeraad ah muujisay kuna booriyay in ay sii laba
laabaan dadaalkan oo ah mid ay Dowladda Soomaaliya Maanta ku
faani karto marka la eego dhinaca Xiriiradda dibedda oo ay
Safaaraduhu qaabilsan yihiin.
Ma aha cida
safarka ku muqan Aadan Madoobe oo kaliya,hase ahaate waxaa
dibad wareeg isaga jira madaxweyne Shariif iyo
Ra'iisulwasaare Sharmaarke,tiro wasiiro ah iyo Boqolaal
xildhibaano ah.
Daawo Sawiradda
Tifaftirka-Qoraalka:Abdirashid Mohamed Dahir
Photographer:Yabarow-Ankara-Turkey
webmaster@ceegaag.com |