Ciidamada booliska Burco oo
xabsiga dhigay gaadiid Puntland laga leeyahay iyo kuwo Burco
laga leeyahay oo lagu dhacay Mudug (Warbixin).
(Burco
March 01, 2009 Ceegaag Online)
Wararka
Maanta ilaa shalay naga soo gaadhaya magaalada Burco ee
xarunta gobolkaasi togdheer ayaa ku soo waramaya in Ciidama
Booliska ee magaalada burco xabsiga dhexe ee magaalada burco
dhigeen Gaadiid farabadan oo laga leeyahay gobolada Mudug
bari,nugaal sababaha gaadiid kani xabsigaasi loo dhigaya
ayaa lagu sheegay iyadoo magaalada xarar dheere oo katirsan
gobolkaasi mudug lagu haysto gaadiid laga leeyahay magaalada
burco ciidama booliskuna sababo nabad galiyo xabsiga u
dhigeen gaadiidkaasi si aan loo dhicin.
Dhinaca kale
waxaa magaalada burco lagu dhacay gaadhi laga leeyahay isla
magaalada gaalkaco oo magaaladaasi burco geeyey xoolo
kadibna doonayey inuu dabeecooyin kala duwan ka soo Qaado,
gaadhigaasi ayaa sida warar lagu kalsoon yahay oo Ceegaag
online magaalada burco ka heshay sheegayaa ayaa waxa dhacay
Qaarkamid ah ehelada Gaadiidkooda lagu haysto xaradheere.
Gaadiidkani
mudooyinkani lagu kala dhacay somaliland iyo puntland ayaa
sababo looga dhigayaa iyadoo dhawaan maamulka somaliland
koox burcadbadeed somali ah ku xukumay falal burcadnimo
haatana ku xidhan yihiin xabsiga magaalada mandheera waxaana
arintaasi xukunka burcadbadeedaasi ayaad uga xumaaday
eheladii raBurcadbadeeda oo sheegay inaanay ahayn burcad
laakiin ahaayeen rag kalluumaysto ah somalilandna ugu baaqay
inay ragaasi siidayaan balse somaliland ka dhaga adeegtay
warkaasi dalabaadka ah.
Waxana taasi
sababtay in Ehelada dadka ku xidhan xabsiga mandheera ay
Wadada isku xidha magaalooyinka gaalkacyo iyo garoowe ka
weeciyaan gaadiid magaalada gaalkaco ku soo rogay raashim
xamuul ah oo WFP Leedahay iyo ragii gawaadhidaasi waday oo
haatan iyana lagu haysto magaalada Xarardheere ee gobolkaasi
mudug, manajiraan wax Wada hadal ah oo arimahaasi looga
hortagayo oo haatan jira iyadoo saameyn weyn ku yeelatay
ganasiga iyo is dhexmarka dadka walaalaha ah.
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |