Ciidamada Somaliland oo
Xabsiga Laascaanood kala baxay maxaabiistii ku
xidhnayd(Wariyey Axmed Cali Faarax oo Ceegaag Online u
sharaxay sida wax xabsiga uga dhaceen
(Laascaanood,
March
20, 2009 Ceegaag Online)
Waraysiga Wariyey Axmed Cali
Faarax
Dhagayso
Ciidamada maamulka Somaliland gaar ahaan ciidamada
milatariga ayaa maanta duhurnimadii gudaha xabsiga magaalada
Laascaanood gudaha u galay, waxna ciidamadu xabsiga
magaalada Laascaanoo kala baxeen qaarkamid ah maxaabiistii
xabsigaasi ku Xidhnayd oo tiradoodu gaadhayso ku dhawaad 9
maxbuus. Maxaabiistan oo xabsiga magaalada Laascaanood ku
xidhnaa mudo wax maxkamad ah aan lasoo taagin.
Ceegaag Online ayaa maanta duhurnimadii ka waraystay sida
xabsiga loogala baxay maxaabiixta wariyey Axmed Cali Faarax
oo kamid ah saxafiyiinta magaalada Laascaancood oo sheegay
in maxaabiistaasi maanta xabsiga laga saaray loona qaaday
dhinaca magaalada Barbara oo wariyaha ayaana Ceegaag Online
u sheegay inay maxaabiixta sii galbiyeen ciidamada maamulka
Somaliland oo gadhaawida dagaalka ku hubaysan kana saareen
magaalada Laascaanood xabsigeeda xili duhurnimadii ah.
Calidhagjar
Ceegaag online
webmaster@ceegaag.com |