Ciidamo ka Wada tirsan
Maamulka Somaliland oo Iska horimaad ku dhexmaray
Laascaanood.
(Laascaanod,
March 09, 2009 Ceegaag Online)
Wararka
Maanta Naga soo gaadhay magaalada Laascaanood ee ku soo
dhacay Warqabadka Ceegaag online ayaa ku soo waramaya in
Ciidamo ka wada tirsan maamulka somaliland habeenimadii
xalayto iska horimaad hubaysani saldhiga asluubta ku
dhexmaray.
Isku dhaca
Ciidamada maamulka somaliland ee Xabsigaasi ayaa lagu Soo
Waramayaa kadib markii ciidama milatarigu weerar saldhigaasi
ku soo Qaadeen iyagoo mooday in Qaarkamid ah maxaabiistii
xabsigaasi ku xidhnayd lala baxay kadibna rasaas xoogan oo
mudo socotay ku furay ciidamada ilaalada xabsigaasi
magaalada laascaanood.
Xiisadaasi
ayaa saaka Guud ahaan laga dareemaya magaalada laascaanood
rasaastii xalayto magaalada sida wayn looga maqlayey,dhinaca
kale waxaa weerar lagu Qaaday taliyihii saldhigaasi iyo
kuxigeenkiisii oo la gaadhsiiyey dhaawacyo laguna daawaynayo
xarumaha caafimaadka magaalada laascaanood kadib markii
ciidamada milatarigu gudaha saldhigaasi u galeen.
Maamulka
gobolkaasi oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay
aad uga xumaadeen Weerarkaasi dhexmaray ciidamada waxaana
socda kulamo arimahaasi lagu xalinayo
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |