Dab qabsaday xaafado ku yaala
Magaalada Widhwidh oo baab'iyay
Ku dhawaad 86 Guri.
(Widh Widh,
March 14, 2009 Ceegaag Online)
Mayor-ka Widhwidh Aadan Xirsi
Dhabarloow
Dhageyso
Shacabka Widhwidh
Dhageyso
Wararka
Maanta naga soo gaadhay degmada Widh Widh oo katirsan
degmooyinka hoos yimaada G/Cayn, ayaa ku soo waramayaa in
saaka magaaladaasi uu dab xoogani oo sababay dhaawac laba
ruuxi iyo guriyo farabadan oo dabkaasi sababay uu maanta ka
dhacay degmada Widh Widh.
Dabkaasi ayaa
gaystay khaare xoogan oo hantiyeed waxaana ku shufbeelay
guriyo farabadan oo magaaladaasi kuyaala dhibaca nugaasha
xiga sida Ceegaag online maanta u sheegeen goob joogayaal
magaaladaasi ku sugan oo sheegay inuu dabku xaafado farabada
waxyeelo u gaystay Qaar badana uu dabkaasi qabsaday.
Maayarka
degmada Widh Widh Aadan Xirsi dhabarlow oo Ceegaag online
qadka kula xidhiidhay ayaa u sheegay dhinaciisa in ku
dhawaad 86 guri dabkaasi ku gubteen dad farabadan oo
guriyahaasi deganaana soo gaadhay barakac xoogan iyo
guriyahoodii oo dhamaantood shufbeelay xaalada dadkii
guriyahaasi ka gubteena tahay mid aad u adag sida uu Ceegaag
online u sheegay isagoo waraysi siinaya maayarka degmada
Widh Widh.
Dhinaca kale
Maxamed Cabdi Casiis oo kamid ah shacabka magaalada Widh
Widh ayaa dhinacsa ceegaag online u sheegay in dabkaasi uu
sababay khaare xoogan oo isugu jira in guriyo farabadani ku
shufbeelaan dadkii deganaana khaare xoogani soo gaadho
Cali Dhagjar
Buuhoodle
Email:
Calidhagjar@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |