shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Maxkamada Burco oo Ceegaag Online uga Waramay halka ay marayso dacwadii Labada Qoys ee gabadhayar ku muransanaa.

(Burco  March 02,  2009 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Maxkamada Burco Jaamac Maxamed Cashuur Dhageyso

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Burco Jaamac Maxamed Cashuur ayaa maanta Ceegaag online uga Waramaya halka ay marayso dacwad u dhaxaysay labo Qoys oo ku muransa dhalashada gabadh yar oo haatan Maxkamada degmada burco gacanta kuhayso oo mudooyinkii ugu danbeeyeyba Maxkamada burco ka socotay.
 
Labadani Qoysi ayaa ka soo kala Jeeda puntland iyo Qoomiyada oromada waxna ku muransan yihiin inay dhaleen gabadhyar oo maxkamada magaalada burco haatan gacanta kuhayso oo labadani Qoysi midba sheegaya inuu isagu dhalay oo laga soo xaday.
 
Gudoomiyaha Maxkamada degmada Burco ayaa ceegaag online maanta u sheegay inay arinta gabadhaa yari marayso meel wanaagsan laguna Wado maalmaha soo socda in ha,yadaha Qaramada midoobay gaar ahaan WHO Ka Qaado dhiiga dhalashada gaar ahaan DNA -ga) si loo garto ilmahaasi Waalidkii dhalay laguna kala saaro labaasi Qoysi ee haatan magaalada burco ku Wada sugan.
 
Jaamac Maxamed Cashuur ayaa sidoo kale ceegaag online u sheegay in dadkaasi si cadaalada ah u kala saarayaan waxaana gudoomiyuhu sidoo kale Ceegaag online warbixin ka siiyey halka gabadhan yari magaalada burco ka soo gashay iyo sabaha loogu muran san yahay.
 
Cali Dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com