Kulan balaadhan oo dhexe
maray Isimada SSC iyo Xildhibaano ka socday dawlada
Soomaaliya
(Garoowe,
March
13, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa Maanta magaalada Garoowe kulan balaadhan ku yeeshay
dhamaam Isimada SSC iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka
dawlada Soomaaliya oo ka soo kala jeeda gobolada Puntland
waxaana kulankan oo ahaa mid saacado badan Qaatay looga
hadlay xaalada haatan kataagan gobolada SSC Iyo shirka
Isimada uga socday magaalada Buurawadal.
Qaar ka mid ah Isimada SSC ee shirkaasi maanta ka Qayb galay
ayaa Ceegaag Online u sheegay caawa in shirkaasi dhexmaray
Isimada iyo Xildhibaanada katirasan Baarlamaanka Dawlada KMG
ku soo dhamaaday isafgarasho iyo waji wanaagsan waxuuna ka
gaabsaday mid kamid ah isimada oo caawa Ceegaag Online
lahadlay inuu shirkaasi faah faahin ka bixiyo.
Shirkaasi ayaa intii uu socday guud ahaanba saxaafada
magaalada Garoowe laga Diiday inay gudaha xarunta hoolka
shirku ka socday gudaha u galaan waxna warar madaxbaan oo
Ceegaag Online magaalada Garoowe ka heshay sheegayaa in
shirkaasi looga hadlay xaalada guud ee Laascaanood iyo
deegaanada SSC.
Isimada SSC ayaa dhinacooda ka gaabsaday inay shirkaasi ka
hadlaan waxna Ceegaag Online isku daynay inay Xidhiidh la
samayso Qaarkamid ah Xildhibaanada oo ka soo Jeeda SSC Waana
noo suurta gali wayday.
Cali Dhagjar
Ceegaag
webmaster@ceegaag.com |