Magaalada Laascaanood oo
maanta biyo la'aani darani kataagan tahay iyo Raxmaadkii ugu
Xooga badnaa oo xalay ku hooray deegaanka Hawd Buuhoodle.
(Buuhoodle,
March 18, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo Guud
ahaan Curasha raxmaadka sanadkani siwayn uga curtay gobolada
somalia ayaa dhinaca kale biyo la,aan haatan laga soo
sheegayaa magaalada laascaanood ee Xarunta gobolkaasi sool
sida uu maanta Ceegaag online u sheegeen shacabka
magaaladaasi oo Xidhiidh dhinaca talefoonka kula samaynay
magaalada laascaanood, oo sheegay in Guud ahaan gobolka biyo
la,aani kataagan tahay.
Qiimaha foostaha biyaha macaan ah ayaa maanta magaalada
laascaanood gaadhay $4doolar oo shilin somali u dhigenta 125
oo shilin soomaali ah, waxba biyo la,aantani guud ahaan soo
foodsaartay shacabka magaaladaasi degan oo horay biyaha ka
helin jiray deegaanada gobolkaasi hoos yimaada oo aan
xiligani wax rooba ah helin.
Dhinaca kale roobabkii ugu Xoogaga Badnaa ayaa habeebnimadii
xalayto siwayn uga Curtay Deegaano Hawdka kaga beegan
magaalada buuhoodle, Ceegaag online ayaana saaka
Xidhiidh dhinac isgaadhsiinta foonyaha oo aanu la samayna
deegaanadaasi roobabku xalay aadka u Heleen Waxaa kamid ah.
Magaalada Marqaan
wayne
Magaalada
Aangalo
Magaalada
Qudhac dhalaan
magaalada
laanmayslay
magaalada
xadhadhanka
Magaalada
boqonka
Magaalada
Qararo yar
Magaalada
Qararo galbeed
Magaalada
laandheer
magaalada
Xirsi macaf
magaalada
farhareeri iyo
Magaalada
Heegaale
Shabakada Wararka Ceegaag online ayaa Guud ahaanba
magaalooyinkaasi soo xaqiijisay inay raxmaadkii guga
habeenimadii xalayto siway ugu hooray, inkastoo magaaloyinka
buuhoodle, Ceegaag, horufadhi aanu raxmaadkii xalay helin
marka laga reebo roobab biyo dhig ah oo buuhoodle ku hooray
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |