Roobab mahiigaan ah oo ka
curtay Xamar lagu xidh, Sool joogto, Dandan, Xadhadhanka,
Dhilaalo, oo gabi ahaanba buuxiyey baraagaha iyo baliyada
(Buuhoodle
March
05, 2009 Ceegaag Online)
Waraysigii
Maxamuud Saleebaan
Dhagayso
Roobabkii guga ayaa ilaa xalay ilaa saaka siway uga da"ayey
deegaano kamid ah magaalada Buuhoodle, oo dhimaca waqooyiga
koonfurta iyo barigaba kaga beegan magaalada Buuhoodle.
Shabakada wararka ee Ceegaag online ayaa taleefoonka kula
xidhiidhay magaalooyina Xamar lagu xidh, Sool joogtoi,
Dandan xadhadhanka Dhilaalo iyo magaalooyina kale oo roobab
xoog badani habeenimadii xalayo ilaa maanta galinkii hore
siwayn u maansheeyey.
Waxaana roobabka ugu xoogan badan laga soo sheegayaa
magaalooyinka Laanmaslay xadhadhanka, Boqonka Goob-wayne,
dan-danka. Waxaana wararka Ceegaag Online ka soo gaadhay
magaalada dan-dan ku soo waramayaa in baligii magaaladaasi
ku soo rogmayday gudaha magaalada sababayna in raashin
farabadani halkaasi ku qoyo kadib markii mowjado biyaha
gudaha u galeen magaalada dan_dan oo 30km dhinaca bariga
kaxigta magaalada buuhoodle.
Sidoo kale roobab lagu diirsadaya ayaa ku hooray gudaha
magaalada Buuhoodle oo biyo dhig u farabadan intastoo
baraaga magaaada qaarkood kuwa xiga waqooyiga laga soo
sheegayo inay biyo fiican galeen iyadoo roobabku dhinacaasi
waqooyiga magaalada uga badnaayeen, guud ahaanba curashada
raxmaadka eebe ayaa siwayn looga dareemayaa gobolka cayn oo
dhan.
cali dhagjar
ceegaag online
buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |