shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

S/Guud Maxamed Cali Samatar waa lama taabtaan iyo Astaanta qaranimo

(Virginia ,  March 17,  2009 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona  ha ahaato korkiisa kii aanu jirin nebi ka dambeeyaa iyo ahalkiisii iyo asxaabtiisii dhamaan.

Intaas ka dib:

 

Iyada oo aan warbaahinta labaatankii sano ee ugu dambeeyay laga waayin dhacdooyin la yaab badan oo ku saabsan Soomaalida, ayaa bilahan waxa ku soo baxaayay dhacdo tii ugu la yaab iyo dulmi badnayd, waxaynu ka daalacanay ama ka dhegaysanay warbaahinta caalamiga ah iyo tan gudahaba qaybahooda kala duwan, dacwad lagu soo oogay S/Guud Maxamed Cali Samatar madaxwayne ku xigeenkii kowaad iyo ra’iisalwasaarihii  dawladii kacaanka Soomaaliyeed, ee wadanka ka talinaysay burburka ka hor.

Hadaba iyada oo ay dadka bulshada Soomaaliyeed intooda badani ay yihiin dad dhalin yaro ah oo aan wax badan ka ogayn dhacdooyinkii wadanka ka dhacay labaatan sano ka hor, qaar badan oo ka mid ahna la marin habaabiyay oo laga dhaadhiciyay sheekooyin aan sala iyo raad toona lahayn, laguna abuuray qaran nacayb iyo fikrado qabiil ku salaysan, oo looga gol leeyahay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed lagu kala qaybiyo, ayaan waxaan jeclaystay bal inaan xoogaa u beyaamiyo inta aan sidaan

Soo xusay wax badan ka ogayn dhacdooyinkii ka dhacay wadanka waqtigii dowladnimadii iyo burburkii ka dambeeyayba , aana ku baraarujiyo kuwa iyagu ogaa laakiin ay hilmaamisay jaahwareerka baaxada wayn ee ka jira wadankeena, in aan u beyaamiyo laba arimood oo tan hore tahay:  horta waa kuma S/Guud Maxamed Cali Samatar? Tan labaadna ay tahay:  waa kuwama raga dacwada ku soo oogay ee xagxaganaaya ee doonaaya in ay uun shaadhkiisa wasakhayaan S/Guud Maxamed Cali Samatar?!!!!

 

 

Waa kuma S/Guud Maxamed Cali Samatar?

 

 

Halkan ku xusi maayo taariikh nololeedkii S/Guud Maxamed Cali Samatar, waayo taas waxay u baahan tahay in buugaaga laga qoro, ee bal waxaan ku xusaayaa uun qaar sifooyinkii uu ku caanka ahaa ee ummadu ku baratay isaga, S/Guud Samatar wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliyeed ee ugu horeeyay ee debeda waxbarasho u aada, markay soo noqdeena iyagu dhisay ciidamadii qaranka, 21 Octoobar sanadkii 1969 wuxuu ka mid ahaa saraakiishii afgembiday dowladii ra’yidka ahayd ee taagta

Darayd ee musuqmaasuqa iyo qabyaaladu aafayeen, wuxuuna ka mid noqday golihii sare ee kacaanka ragii ugu muhiimsanaa, waa kuwii ka dhigay Soomaaliya dowlad casri ah oo la jaanqaada nadaamkii dowliga ahaa, iyadoo wixii intaa ka horeeyay aan Soomaaliya lagu tilmaami karayn dowlad, wuxuu waqti dheer ka ahaa dowladii kacaanka madaxwayna ku xigeenka kowaad iyo wasiirka gaashaandhiga, ugu dambayntii wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii dowladii kacaanka, S/Guud Samatar wuxuu ahaa nin aad u

 Furfur oo kasban kara qof kasta iyo bulsha kasta oo uu la kulmo, waana sarkaalkii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee abid gaadha derejada S/Guud, tan iyo derejooyinkaa sarsare ee uu gaadhay S/Guud Samatar wuxuu ku gaadhay aqoontiisa, xirfadiisa iyo kartidiisa uu u leeyahay shaqadiisa, wuxuu ka mid ahaa ragii ka dambeeyay horumar kasta oo uu wadankeenu gaadhay, wuxuuna ku keliyaystay in uu ahaa kii dhisay ciidankii ugu xooga waynaa uguna tababarka fiicanaa Afrikada madow, taas oo uu ku mutaystay

In loogu yeedho General kii kowaad ee Afrika, wuxuu ahaa S/Guud Maxamed Cali Samatar sidaan soo xusnay nin furfuran oo kasbada cid kasta oo ay kulmaan ama wada shaqayaan, taas ayaa waxa ay ka yeeshay nin ay aad u jecel yihiin dhamaan ciidamadii qaranku ee uu ahaa isagu kii dhisay, ciidamada caadiga ahi waxay u jeclaayeen si aanay u jeclayn saraakiishii iyaga madaxda u ahayd markaas, taas oo had iyo jeer si xoog leh looga dareemi jiray ciidamada dhexdooda, sidoo kale wuxuu ahaa nin ay guud

Ahaan jecel yihiin shacabka Soomaaliyeed, dhexdoodna ku leh qaderin, sharaf iyo ixtiraam wayn, S/Guud Maxamed Cali Samatar dhinac kasta oo laga eego wuxuu ahaa nin dhexdhexaad u ah ummada Soomaaliyeed, hamigiisa keli ahina wuxuu ahaa siduu wadankiisa horumar u gaadhsiin lahaa. Hadaba sifooyinkaa uu ku caan baxay S/Guud Samatar, gaar ahaana jacaylkii ay ciidamada qaranku jeclaayeen, ayaa ah wax laga xumaado, in qaar saraakiishii sarsare ee ciidamadu ka masayraan ayna colaad hoose

U qaadaan General ka, taas oo aad ilaa maantadaa ka maqlaysid warbaahinta qaar iyagu dembiilayaal ah oo General ka ku been abuuranaaya oo dhaleecayno baadil ah u soo jeedinaaya, sida in ay yidhaahdaan waxa uu diyaarado ku xasuuqay shacabkii Soomaaliyeed ee deganaa Hargaysa iwm, taas oo aynu qoraalkan ku soo qaadi doono waxa ka jira iyo guud ahaan siday wax uga dhaceen woqooyiga Jamhuuriyada sanadihii sideedtanaadkii iyo sagaashanaadkii.

Hadaba hadaynu kelmedahan kooban ku dhaafno kumuu ahaa S/Guud Maxamed Cali Samatar? Waxaa haboon in aan is waydiino waa kuwama kooxdan soo hordhigay maxkamada Mareekanka dacwadan ah shirqoolka qorshaysan, ee la doonaayo in S/Guud Samatar sharaftiisa iyo karaamadiisa wax loogu dhimo oo shaadhkiisa lagu wasakheeyo?!!!!

Waa kuwama kooxdan dacwada ah shirqoolka qorshaysan soo abaabushay?!!!!

 

Haa, waa kuwama kooxdan soo abaabushay dacwadan ah Shirqoolka qorshaysan? Maxaa se looga gol leeyahay dacwadan? Kooxda shirqoolkan soo hordhigtay maxkamada, waxa ay wakiil u yihiin oo dacwadan soo abaabulay ururka argagixisada iyo budhcada cunsuriyiinta ah ee SNM, taas oo aad ka dareemi kartid saraakiil sarsare oo ururkaas ah,  oo warbaahinta qaarkeeda wax ka waydiinayeen dacwadan. Waxaan shaki ku jirin in aqristayaal badani ay ka biyadiidi doonaan saddexda kelmedood ee

Aan ururkan ku sifayay, gaar ahaan iyada oo aan badanaa layga baran akhlaaq ahaan, in aan cid ku sifayo eryo sida tan oo kale u qaawan, hase yeeshee waxaan aqristayaash sharafta leh u sheegayaa in aanan ku been abuuranayn ururkan, wax dulmi ahna aanan ku samaynayn, bal wax kasta oo aan ku soo qaado qoraalkan waxan u hayaa markhaatiyaal cadcad, waxaana aaminsanahay dhamaan waxa ay macna xambaarsan yihiin seddexdan kelmedood in uu ururkanu ku sifaysan yahay sababaha soo socda awgeed:

 

1- waa urur argagixiso ah, waayo waxay galeen falal dembiyoodyo fara badan oo ay dadka ku baqdin gelin jireen, sida in ay dadka  gowrgowrici jireen, in ay siyaabo badan oo bini aadamnimada ka baxsan u dili jireen, in ay dhufays ka dhigan jireen  shacabka oo dhexdood xabadaha ka soo tuuri jireen iwm.

2- waa urur budhcad ah, waayo waxay ka dhici jireen dadka hantidooda, waxay samayn jireen jid gooyooyin ay dadka ku qafaalan jireen, xoolaha ayay dadka ka dhici jireen iwm.

3- waa urur cunsuri ah, waayo ururkanu wuxuu ku salaysnaa qabiil, wuxuuna ku dagaalamayay mabda’ isir tir ah, iyaga oo aan aan kala sarayn ciidan dowladeed iyo shacab toona mar hadaanu ka soo jeedin qabiilkii ay ku abtirsanaayeen iwm.

 

Ururkan oo ka mid ahaa ururadii iyada oo uu dalku kula jiro dagaal aad u adag cadawga Xabashida iyo xulufadoodii shuuciyiinta ahayd, uuna ku jiray wadanku marxalad aad u adag ha ahaato xaga siyaasada dhaqaalaha iwm, u soo raacay cadawgii Xabashida oo ay ku soo adeegteen, dalkoodiina docda ka wareemay, ee dhabarka ka jebiyay, waxayna ka gaysteen gobolada woqooyi ee Jamhuuriyada, falal isir tir ah iyo dembiya dagaal oo aad u baaxad wayn, waxa fiican in aan is xusuusino in ururkan argagixisada iyo

 Budhcada cunsuriyiinta ahi,  uu dagaalkooda xoogiisu ku wajahnaa dad shacab iyo qaxootigii ka soo barakacay dhulka ay xabashidu gumaysto, waxaan wax shaki ahi ku jirin lana wada og yahay, in dagaalkoodii 85% uu ku wajahnaa dad shacab ah, gaar ahaan shacabka dega gobolada Sanaag, Sool, Cayn iyo Awdal iyo weliba xeryihii qaxootiga ee ka jiray dhowr goobood oo ah gobolka woqooyi galbeed, dagaaladaas oo ay shacabkii goboladaas iyo qaxootigiiba kula kaceen falal dembiyood aad u baahsan

Sida barakicin iyo iyagoo dadka u layn jiray siyaabo bini aadamnimada ka baxsan, tusaale waxay qaban jireen maxaabiis ay ka soo qafaalan jireen tuulooyinka, miyiyada, gawaadhida jidka maraysa oo ay jid gooyooyin u dhigan jireen, oo rakaabka kala degi jireen. Waxa la hayaa oo si fiican loo wada og yahay, in ay gacanta ku dhigeen goobo badan dad maxaabiis ah, oo ay ku qabsadeen qaababka aan hada soo xusay, in aan ilaa maanta cid laga hayn, dabcan waa laga war hayaa in la laayay oo weliba loo laayay

Siyaabo bini aadamnimada ka baxsan, sida in la gowrgowraco, in inta toban toban laysugu xidho gawaadhi dusha laga mariyo, in xubnohooda la googooyo sida madaxa oo laga gooyo, si dadka loogu argagax geliyo, maaha mala awaal iyo wax layska buunbuuninaayo ee bal dhacdooyinkanu waa kuwa xaqiiqa ah si baahsana wadanka looga og yahay, waxaa jira dhacdooyin badan, oo la hayo dad qaabkaa loo laayay, oo ay jiraan dad iyagu uga badbaaday siyaabo kala gedisan oo hada nool. Waxaan oo dhan

waxaa ka sii daran bal meel ha lagu sheego maanta dadkii ku jiray xeryihii qaxootiga ee gobolka woqooyi galbeed, oo xera walba ay ku jireen kumanyaal qofood, dabcan waa wax laga warqabo in dadkaa ay gumaadeen ururkii argagixisada ahaa ee SNM, ee weliba inta mujrimnimo laga gaadhay, inta maanta xabaalohoodii la soo qufo la yidhaahdo waa dadkii ay dowladii xasuuqday. Halkan waxan jecelahay in aan ku daro, in dhibta Soomaaliya ka dhacday, ee ay sababeen kooxihii ay soo hubaysay cadawga

Xabashidu waqtigaa ay ahayd mid aad u baaxad wayn, guud ahaan Soomaaliya oo dhan, dadku si xoog leh bay ugu dhimanayeen goobaha dagaalada dhinacyada oo dhan, waxaa iyana ku dhex dhimanaayay  dad shacab ah oo aan waxba galabsan, oo ay xabadu siyaabo kala duwan u haleelaysay, maytkuna tirada ayuu ka badnaa, waqtiguna wuxuu ahaa waqti aad u adag oo dagaal lagu jiro, markaa waxaan u maalaynayaa in aan lagu tilmaami karin xabaal wadareed kasta oo la helo in ay daliil u tahay in halkaa

Uu ka dhacay gumaad, waayo waxaa jira xabaala wadareedyada badan oo si sharci ah  ku dhacay, duruufaha aan soo xusay awgeed, lagana baqay in ay ka dhashaan cuduro maytatka badan ee dariiqyada daadsan. Tan kale ma lihi oo dacwadayda maaha in aanay jirin dad shacab ah oo ka soo jeeda beelihii ay ku abtirsanaayeen ururkan argagixisada ah ee SNM, in aanay dhib iyo xad gudubyo ka soo gaadhin dagaaladii ka dhacay woqooyi, bal waa jiraan waana badan yihiin, hase yeeshee inta badan waxa

 Eedeeda qaadaaya ururkaa argagixisada ah, ee iyagu gaashaanka ka dhiganaayay dadka shacabka ah, ee dhexdooda xabada ka soo ridaayay, waxana la heli karaa xad gudubyo ay gaysteen qaar ciidamada ka mid ahaa, aan se loo nisbayn karayn madaxdii sarsare dowlada, waayo wax maslaxad ah oo taas ugu jirtay baanba jirin, bal mid taa ka gedisan dowladu waxay dedaal ugu jirtay maslaxadeeduna ku jirtay sidii ay u kasban lahaayeen dadka shacabka ah, iyagu se waxay aduun waynaha ugu sawirayaan oo

Ka dhaadhicinayaan in ay dowladu shacabka ugaadhsanaysay, taas oo aan marna caqli cifimaad qabaa qaadan karin, way jirtay waqtigaa in dowladaha reer galbeedku hadalada caynkaas ah qaadan jireen,oo u dhega nuglaayeen, oo weliba buunbuunin jireen, waayo waqtigaa dowladaha reer galbeedka iyo kuwa bariguba waxay ka midaysnaayeen in dowladii Soomaaliya la rido, sababo kala gedisan awgeed, kama se qarsoonayn xaaladah ka jiray gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee aad baan uga xumahay ugana

Tiiraanyaysanahay wax yeeladii soo gaadhay shacabka Soomaaliyeed dhinac kastaba, waayo dhamaan waa walaalahayo waa ehelkayagii, waa hal qows oo ay kooxa shaydaan ku adeeganayaa fitno dhex dhigeen. Waxa kale oo ay kooxdan cunsuriyiinta ahi aad u buunbuuniya, iyaga oo ku qarinaaya xad gudubyada ay ka galeen shacabka, in dowladu diyaarado ku xasuuqday shacabkii deganaa magaalooyinka woqooyiga Jamhuuriyada, sidaynu soo xusnay dowlada wax maslaxad ahi uguma jirin in

 

Ay shacabka xasuuqdo, bal waxay dedaal ugu jireen siday ku kasban lahaayeen, waxaa si fiican in badani u xasuusan yihiin in dhacdadaa hore, markay soo galeen kooxdan cunsuriyiinta ahi magaalooyinka Burco iyo Hargaysa, oo shacabka dhexdooda ka soo dagaalameen, in ciidamadii dowladu hareereeyeen magaalooyinkaa kuna hareeraysnaayeen mudo gaadhaysa saddex bilood, intaana ay ku dhiiri gelinayeen shacabku inay isaga baxaan magaalooyinka, si ay ciidamadu ugula dagaalamaan kooxdan argagixisada ah

Ugu dambayntiina markii shacabka badankiisu ka baxay magaalooyinka, waxaa khasab ku noqotay dowladu in ay xoog u adeegsato kooxdaa iyadoo bartilmaameedsanaysa meelihii ay xooga ku lahaayeen, wayna ku khasbanayd dowladu oo xal kale oo horteed yaalay ma jirin, waxaa wadankii ku soo duulay koox cadaw soo hubeeyay oo uu daba ka wado, ciidamadana waxaa waajib ka saarnaa inay dalka cadawga ka difaacaan oo ay amniga ilaaliyaan, waxa aana shaki ku jirin in dowlad kasta oo aduunka ka mid ah ay dhacdadan oo kale la kulanto,inay ka bixin lahayd jawaab intaa ka culus. Hadaba waxaa iyana is waydiin mudan, waxaas oo dhib iyo xad gudubya ah yaa masuuliyadeeda leh oo dhabarka loo saarayaa?

Horta yaa eedahaa iyo xadgudubiyadaa dusha ku qaadaaya?!!!

Yaa eedahaas dusha loo saaraa oo dhabarka ku qaadaaya? Ma dowladii cadawga iyo kuwa ay ku adeeganaayeen duulaanka ku soo qaadeen, ee dalkeeda iyo amnigeeda waajibku ka saaraa in ay difaacdo? Mise kooxihii argagixisada iyo budhcada cunsuriyiinta ah ahaa, ee inta cadawgii dalku soo hubeeyay ku soo hagay si ay dalkooda u burburiyaan, ee inta ay shacabka la soo dhex galeen hubka ka dhigay wax ay iyagu xasuuqaan iyo waxay gaashaan ka dhigtaan?

Waxaa ah wax aad looga xumaado oo murugo leh, halka ay Soomaalidu cadaalad xumo ka gaadhay, in yar oo Allaah u naxariistay maahee!!! Waana tan inoogu wacan cadaalad xumadu in aan ka bixi wayno dhibaato iyo burbur, mudadaa dheer ee gaadhaysa labaatanka sanadood, cadaalad xumida waxaan ku samaynaa wax kasta oo bulshadeena ku saabsan, hase yeeshee hada waxaan tusaale u soo qaadanayaa arin ku saabsan mowduucan aynu ka hadlayno, waa arin had iyo jeer ka dhacda doodaha Soomaalida iyo

Golayaasha siyaasada lagu falanqayo, waan dood dhowaan ka baxday laanta afka Soomaaliga ee VOA da, oo ku saabsanayd dacawadan shirqoolka qorshaysan ah, ee lagu soo oogay S/Guud Maxamed Cali Samatar, taas oo ay ku doodtamayeen laba nin oo midkood u muuqday in uu yahay kooxda shirqoolkan soo abaabushay, iyada oo taas aad hadalkiisa ka dhandhansanaysay, kan kalena waxa uu difaacaayay S/Guud Samatar, ilaa halkan arintu waa caadi, laakiin se arintan la yaabkeedu wuxuu ahaa kuna tusinaysa

cadaalad xumida Soomaalida qaarkeed badan, waa meesha ay ku dhamaatay iyo wixii ugu dambayntii laysku afgartay, taas oo ahayd in aan S/Guud Samatar uun arinta lagu koobin, ee bal ay tahay in dowladii oo dhan la soo wada taago maxkamad!!! Xaqiiqdii waa cadaalad daro dhab ah, doodan haba yaraatee laguma soo qaadin waxaa aynu xadgudubyo iyo dembiya dagaal soo xusnay iyo wax badan oo aynaan soo xusinba gaar ahaan dembiyadii iyo xasuuqyadii ka dhacay koonfur iyo kooxihii gaystay toona, oo aan

ahayn wax ka qarsoon Soomaalida iyo aduun waynahaba, haa laguma xusin kooxihii argagixisada ahaa ee ummada xasuuqay, dalkana diirtay, ee burburiyay, ee u celiyay dalka waqtigii dhagaxa iyo ka xunba, bal iska daayoo in yar oo dhaleecayn ah looguma soo jeedin, kuwii sababta u ahaa kumanyaalka kun ee shacabka iyo qaxootigaba ahaa, ee ay xasuuqeen kooxihii argagixisada ahaa, markay dhacday dowladii Soomaaliyeed sanadkii 1991 kii, waana kuwii xukumka qabsaday waqtigaa ee kala diray ciidamadii

Qaranka iyo booliiskii nabad geliyada sugaayay, waa markii ay ku amreen in ciidamada qaranka iyo booliiskuba isu dhiibaan kooxihii argagixisada ahaa, taasuna ay keentay in ay kala dareeraan ciidamadii iyo booliiskiiba, ayna sababtay in kooxihii argagixisada ahaa fursad u heleen in ay gumaadaan kumanyaal kun oo shacab iyo qaxooti ah oo aan waxba galabsan, waana tan keentay in ilaa maanta wadankii lagu soo dabaali kari la’yahay amni iyo kala dambayn.

 

Maxaa looga gol leeyahay dacwadan shirqoolka qorshaysan ah?

 

Waxa ay uga gol leeyihiin shirqoolkan qorshaysan, arimo fara badan oo ay ugu waawayn yihiin:

1- in lagu taageero oo lagu kaabo ololaha ictraaf raadinta ah ee ay labaatanka sanadood daba ordaayeen, taas oo ay ku soo jiidanaayaan caadifada aduun waynaha sida ay la tahay.

2- xisaab safayn, aargudasho iyo bahdilaad ay doonayaan in ay ku samayaan madaxdii sarsare ee qaranka dowladii kacaanka, ee is hortaagay fikirkoodii guracnaa.

3- in ay burburiyaan oo ay dhulka la dhacaan astaan kasta oo u taagan qaranimadii Soomaaliyeed, siday calankiiba dhulka ula dhaceen.

Shirqoolkan qorshaysan ujeedooyinka aan kor ku xusnay iyo kuwa kaloo badan baa looga gol leeyahay, waana shirqool si balaadhan loo soo abaabulay, oo loo wakiishay kooxdan hada dacwada soo oogtay.

 

 

Gunaanad

S/Guud  Maxamed Cali Samatar cimri dheer iyo caafimaad Allaah ha siiyee waa lama taabtaan, waana astaan u taagan qarnimadii Soomaaliya ee la burburiyay, waa ninka ay maanta Soomaaliya u baahan tahay, Soomaaliya waxay u baahan tahay rag yaqaana sida wax loo dhiso, oo aan burburiyaal ahayn, mudadaa dheer waxaynu xal ka sugaynay kuwa aan oqoon sida qaran loo dhiso, bal yaqaana oo aad u badiya sida qaran loo dumiyo, dhise ma dumiyo, dumiyena ma dhiso, xataa qalabka loo adeesado dhisida

Iyo kan loo adeegsado burburinta iyo dumintu waa kala jaadh, bini aadamkuna waa sidaas oo kale, si kastaba ha ahaatee dacwadanu waa mid ay iska muuqato meesha ay ku dhamaanayso, kooxdanuna wax guul ah kama gaadhi doonto, marka waxa laga rabaa wadaniyiinta Soomaaliyeed ee xorta ah ee aan daba nashlayn gumaystaha, kuwa damiirka nool iyo caqliga caafimaadka qaba leh, kuwa jecel qaranimada Soomaaliyeed, ee qaderiya oo ixtiraama astaamaha qaranimo, ee haysta fursadaha, waa in ay

Marka ay dacwadanu dhamaato, ay dib ugu soo oogaan kooxdan shirqoolka wadata dacwad,  dib loogu soo celinaayo karaamada iyo sharafta hogaamiyaha qaaliga ah ee S/Guud Maxamed Cali Samatar, ee ay dhaawaceen kooxdan xagxaganaysa, ee doonaysa in ay shaadhkiisa wasakheeyaan ugu horayn, tan labaadna waa in ay dacwado ku soo oogaan madaxdii iyo saraakiishii kooxihii argagixisada ahaa, ee wadanka xasuuqa ka gaysatay iyo cid kasta oo gacan ka siisay kooxahaa argagixisada ah, gumaadka iyo dembiyada dagaal ee faraha badan ee ay ka gaysteen guud ahaan Soomaaliya, maadaama aanay waqtiga dheer suura gal ahayn in wadanka gudihiisa lagu qaado maxkamado, kuwaasu waxay qaarkood inagula nool yihiin debadaha oo ay si raaxa ah ku joogaan, qaarkoodna intaa booqashooyin bay ku galaa baxayaan debedaha, taageerayaashooduna waxay ugu yeedhaan mujaahid hebel, waa mujaahidiin shaydaan ee.

Wabillaah atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

 

webmaster@ceegaag.com