shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shabakada wararka ee Somalitalk oo ku adkaatay dagaalkii ay dawlada Soomaaliya kula gashay qorshihii lagu iibsanayay Dhulbadeedka Soomaaliya

(Soomaaliya ,  March 15,  2009 Ceegaag Online)

Go’aan rasmi ah oo kasoo baxay Aqalka madoow ee lagu shaandheeyo siyaasaha Aduunka dadka badankiisuna u yaqaanaan Rugta Qaramada Midoobay ayaa tibaaxay in loo baahan yahay haatan in la tixgaliyo Go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ku diideen heshiis badeed ay kala sixiixdeen Xukuumada Cumar Cabdirashiid iyo Dawlada Kenya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ah mid magac u yaal ah ayaa dhamaadkii sanadkii tagay cod caqlabiyad ah ku diiday iibkii ay dawlada Sheekh Shariif ku iibsanasay dhulbadeedka Soomaaliya siiba inta ku aadan Raaskaanbooni ilaa Kooyaame.

Shabakada wararka Somalitalk oo heshay xog ku saabsan shirqoolkaa ayaa ka masuul ah fashilaada wayn ee ku timid qawlaseestadii imaanlaawayaasha ahaa ee doonay inay iibiyaan dhulbadeedka Soomaaliya.

Go’aankan ayaa ah mid aan kama danbays ahayn balse fashilaada shirqoolada dalkeena waa mid haatan dusha kasaaran warbaahinta Soomaaliyeed.

Hambalyo ayaanu hawada u marinanaa Somalitalk oo aad ugu guuleesatay weerarceliskii ay kusoo hantiyeen hantidii Dhulbadeedka ahayd ee dawlada haatan dalka ka hanaqaadasaa lagu hoosaasiyay waa sida ay naleeyihiin e.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com