shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiro ka socda Somaliland oo laascaanood gaadhay kulamana la yeeshay waxgaradka G/sool.

(Laascaanod,  March 14,  2009 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanood Waxaa Dib ugu laabtay Wafti balaadhan oo ka socda maamulka somaliland oo isugu jira Wasiiro Xildhibaano, masuuliyiin kale oo magaaladaasi labadii maalmood ee ugu danbeeyey kulamo kulahaa Waxgaradka gobolkaasi Sool.

Ceegaag online oo maanta xidhiidh dhinaca taleefoonka magaalada laascaanood lasamay ayaa wasiiradaasi Qaarkamid ah oo diiday in magacooda saxaafada laga shaaciyo ceegaag online u sheegeen inay ujeeda magaalada laascaanood u yimaadeen tahay inay kulmo layeeshaan masuuliyiinta maamulka gobolka iyo Heer degmo kala hadlaan xaalada amaanka magaalada laascaanood iyo waxgaradka gobolkaasi laamahiisa kala duwan.

Wasiiradani ayaa waxay kala yihiin Wasiirka Cadaalada Maamulka somaliland axmed cali casoobe wasiirka arimaha gudaha C/laahi Ismaaciil Cali (cabdilaahi Ciro) Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta cali sandule iyo xubno kale oo waxna wasiiradani kulmo hotel xamdi kula yeesheen Qaarkamid ah waxgaradka magaalada laascaanood iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi.

Ali Osman Yuusuf(Ali dhagjar

Buuhoodle

calidhagjar@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com