shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka Degmada Widhwidh oo dadaal ugu jira sidii degmadaasi dib looga Celin lahaa masuuliyiinka ka socda Somaliland

(Widhwidh,  March 20,  2009 Ceegaag Online)

Waxgaradka Degmada Widhwidh ayaa maalintii labaad wada kulamo ay magaalada Widhwidh kula leeyihiin masuuliyiinka ka socda Somaliland oo deegaan ahaan ka soo Jeeda magaalada Widhwidh oo ka yimid magaalada Hargaysa sida Ceegaag Online maanta u sheegeen qaarkamid ah waxgaradka degmadaasi oo saaka taleefoonka aan kula xidhiidhay.
 
Waxgaradka degmaasi ayaa Ceegaag Online u sheegay inay magaalada WidhWidh yimaadeen Gudoomiyaha degmada Widhwidh iyo xoghaya xisbiga UDUB ee degmada Widhwidh oo deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada widhwidh watana qorsho ay maamulka Somaliland u taageersan yihiin, ayna dadaal xoogan ugu jiraan sidii magaalada Widhwidh dib looga saarilahaa.

Waxaana ka soconaya magaaladaasi kulamo ay Wadaa qaybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi loogana soo horjeedo masuuliyiinta ka socda dhinaca maamulka Somaliland arimahani ayaa imaanaya xili maalintii shalayto mudaharaad balaadhan oo looga soo horjeedo maamulka somaliland uu ka dhacay degmadaasi Widhwidh oo looga soo horjeeda masuuliyiinta ka socda Somaliland ee degmaasi yimid.
 
Ceegaag online
Ali dhagjar
Buuhoodle
Email calidhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com