shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xarunta MCH-ka isla markaana ah xarun caafimaad oo xadhiga looga jaray degmada Ceegaag.

(Ceegaag,  March 12,  2009 Ceegaag Online)

Gudoomiye K/xigeenka Gobolka Sool Maxamed Cabdi Dhible Dhageyso

Gudoomiyaha bisha cas ee gobolka sool, Dr Daahir Axmed Warsame Dhageyso

Agaasimaha guud ee Hay'ada Manhal ee G/sool C/rashiid Maxamuud Cali Dhageyso

Madaxa MCH-yada Gobolka sool Faarax Cawil Dhageyso

Xaflad Balaadhan oo maanta lagu qabtay degmada Ceegaag ayaa maanta xadhiga looga jaray xarun caafimaad oo degmadaasi ceegaag laga hirgaliyey munaasabaasi oo goob joog ahaayeen  Gudoomiye kuxigeenka gobolka Sool Maxamed Cabdi dhinbiil iyo wafti ka socda saraakiisha caafimaadka gobolka Sool waxaana kaloo waftigaasi la socday gudoomiyaha bisha cas ee gobolka sool,  agaasimaha guud ee ha’yada manhal ee gobolka sool,iyo Madax MCH-yada gobolka sool iyo shaqaale farabadan oo ka socda laamaha caafimaadka ee gobolkaasi sool.

Ugu horay waxaa furitaanka xarunta caafimaadka ee MCHka degmada ceegaag ka hadlay waxgaradka degmada Ceegaag oo sheegay inay xarunta caafimaad maalgaliyeen Qurba jooga degmada ceegaag aadna uga mahad celinayaa kana wadaan degmada ceegaag mashaariicooyin kala duwan.

Waxaana kaloo isaguna halkaasi ka hadlaya Agaasimaha Guud ee ha’yada manhal ee gobolka sool C/rashiid Maxamuud cali(saxar) Waxaana uu sheegay inay aad ugu farax san yihiin ka ha’yad ahaan xarunta caafimaadka ee wayn ee laga hirgaliyey degmada ceegaag waxaana uuna balan Qaaday inay taageero siinayaan ka ha,yad ahaan iminkana ay keeneen daawadii lagu furilahaa laguna shaqayn lahaa tababarna siinayaan shaqaalaha caafimaadka ee degmada Ceegaag.

Isaguna waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha bisha Cas ee gobolka sool Dr Daahir Axmed warsame oo sheegay inaanu ahayn markii ugu horaysay ee magaalada ceegaag yimaado isagoo sheegay inay bisha cas kaalin ka gaystay markii ceegaag la dagay sanadkii 2006 xiligaasi oo bishacas keentay caawimo isagoo sheegay in xiligaasi Geed hoostii loogu Qado kariyey maanta loogu Qado kariyey Guriyaha caalamka ugu Quruxda badan,waxaana uuna mahad balaadhan u jeediyey Qurba jooga degmada Ceegaag oo ka soo baxay kaalintoodii uguna baaqay inay halkaasi ka sii wadaan.

Dhinaca kale Waxaa halkaasi ka hadlay faarax cawil oo ah Madax MCH-yada gobolka sool waxaana uuna sheegay inay xarunta caafimaadka oo ka kooban MCH iyo xarumo caafimaad oo kale furitaankeena aad ugu faraxsan yihiin ka Wasaarad ahaana taageerayaan furitaanka xarunta caafimaad iminkana wasaaradiisu ugu deeqday Daawadii lagu shaqayn lahaa.

Ugu danbaytii waxaa xaruntaasi caafimaad ee laga hirgaliyey degmada ceegaag xadhiga ka jaray Gudoomiye kuxigeenka gobolkaasi sool Maxamed Cabdi jibriil(indhil) Waxna uuna halkaasi ka soo jeediyey khudbad dheer isagoo sheegay inuu yahay safarkii ugu horeeyey oo uu Ceegaag ku yimaado waxaana uu intaasi raaciyey inuu magaalada moodayey tuulo balse  uu yimid magaalo caasimad ah, aadna faraxsan ayuu yidhi gudoomiye kuxigeenka gobolkaasi sool, intaasi kadib ayuu madasha ka sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay horumarka balaadhan ee  Degmada Ceegaag ka socda isagoo dhinaciisa mahad balaadhan u jeediyey Qurba joogta Reer Ceegaag isagoo xusay inay maanta dhisteen magaalo ay ku faanikaraan.

Daawo Sawiradda

Halkan hoose ka akhriso warbixin kale oo ku saabsan xarunta Caafimaadka iyo Dhalaanka Degmada Ceegaag

http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2010/Feb%202010/dhismaha_isbitaalka_ceegaag_oo_t.htm

Cali Dhagjar

Ceegaag

webmaster@ceegaag.com