Xuska Maalinta Haweenka oo
maanta Buuhoodle siwayn looga xusay.
(Buuhoodle,
March 08, 2009 Ceegaag Online)
Xaliima Cali Warsame
Dhageyso
Caasha Xarla
Dhageyso
Adna Cali Cismaan
Dhageyso
Xaliima Cali Warsame
oo Buraanbureysa
Dhageyso
Xuska Maalinta Haween
weynaha caalamka ayaa waxaa siweyn looga xusay maanta badi
gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo xaflado balaaran oo ay soo
agaasimeen ururada Haweenka deegaan walba lagu qabtay
siweyna loogu xusay.
Magaalada buuhoodle ayaa
maanta kamid ahayd magaaloyinka sida wayn looga xusay
waxaana xuskaasi maanta soo qaban qabaabiyey ururada
haweenka ee magaalada buuhoodle oo gacan ka helaya wasaarada
haweenka iyo arimaha qoyska ee dawlada puntland waxna kulan
balaadhan maalinta haweenka lagu xusayo lagu qabtay xarunta
maamulka gobolka cayn oo dhamaan madaxda gobolka kan degmada
haweenka dhalinyada,iyo dhamaan laamaha bulshada gobolka
cayn maanta xafladaasi goon joog ahaayeen.
Ugu horay waxaa halkaasi
khubad dheer ka soo jeedisay Agaasimaha xidhiidhka gobolada
ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Xaliimo Cali
Warsame ee khubad dheer oo ku aadan munaasabada maalinta
haweenka halkaasi ka soo jeedisay sheegyana sida ugu
faraxsan yihiin munaasadan maanta qiimaha badan.
Dhinaca kale waxaa
halkaasi ka hadashay Caasha Xarla oo ku hadlaysay
magaca haweenka buhodle oo sheegaytay dhinaceeda inay
hanbaliyo maanta u dirayso dhamaan haweenka soomaaliyeed
gaar ahaan kuwa reer puntland munaasabadan awgeed qiimaha
badan maanta oo haweenku maanta aad ugu faraxsan yihiin.
Guud ahaanba
munaasabadaasi ayaa maanta ku soo dhamaatay jawi wanaagsan
waxaana halkaasi hadalo ka soo jeediyey gudoomiyaha gobolka
cayn Xariir Maxamuud Axmed oo hanbaliyo haweenka
soomaaliyeed oo maanta musaasabadan qiimaha badan u dabaal
dagaya isuduwaha wasaarada haweenka ee gobolka cayn Adna
Cali Cisman ayaa sheegtay maanta in guud ahaan gobolada
somalia maanta musaanadaasi laga wada xusayo oo sheegtay in
haweenka reer buuhoodle maanta munaasabadan aad ugu faraxsan
yihiin.
Daawo Sawiradda
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |